|
Garanayaan
Sheegay
...........................................................................................
Xasan
Shiil oo "Gabay-aweyti" caan ku ahaa wuxuu
ka mid ahaa ragii hore oo gabayheer sare gaadhsiisan
lagu bartay.Ismaaciil Mire ayaa waagii dambe wuxuu
maqlay in Ingiriis iyo askartiisu ka gabaysiiyaan
oo ay markaas lacag ku siiyaan. Gabayga oo lagu shaqaystaa
Ismaaciil maroor bay la ahayd, siiba haddii gaalada
wax looga doono. kolkaas buu damcay inuu arrintaas
gabay ka tiriyo,hase ahaatee,keligeed kuma uu koobnaane
waxyaalo kale oo qallooc la ahaa ayuu ku soo daray.
Waxyaalaha
uu ku soo qaaday waxaa ka mid ah sheeko dagmadooda
dhexdeeda ka dhacday oo ahayd: In nin Faarax Barre
la oran jiray gabadh laga guursaday,inuu ninkii guursaday
xoolo bixiyey,dabadeedna inuu odaygii yaradkii qawaday
oo uu aqalkii oo dhan udubbada u siibay; waxuu Darwiishku
Yidhi
Axmedow
nin gidira oo da' iyo gabow la ciiraaya
Oo galabtii Beerdhiga dhacdiyo Garabcad soo Joogey
Aan gedo yarayn baan ahee gabay aan kuu sheego
Waayeel
guddoonshiyo tashiga odayo loo geeyo
Iyo inuu gungumihii ka lumay Ina Garaad Faarax
Aan guurti noolayn inaan garanayaan sheegay!
Inaan
Laasadaar gacalka iyo xididka gaadhaynin
Oo nimanka reer Gorod Xirsiyo Calac ku oomaayo
Uu gabi qaraabada inaan garanayaan sheegay
Soddogii
gurracan maalin bay garu ku ciirtaye
Markii Faarax geel iyo dab iyo guuya laga buuxshay
Hadduu kebedda gaalleefta daray dabaryaruu gaatey
Uu gees u riday buulku waa ilaba gaabnaaye
Inay labo galaan quban inaan garanayaan sheegay
Labo
guulka Odayood inaan garo ku naaxaynin
Oo aan gadhoodh laga dhamayn iyo ganuun xoor leh
Ay guriga "wii" layn inaan garanayaan sheegay
Gabdhahooda
reer hebel haddaan guurka laga deynin
Oo aan gammaankiyo dabkiyo geela laga seerin
Aan sumad rag kaga gaariyo gololo loo yeelin
Geyaan xumo inay dhici inaan garanayaan sheegay!
Inaan
reer Gumaarholoc raggii go'ay u aaraynin
Oo ayan godobtooda maqan goosan kari haynin
Oo aanay garanayn lafaha guban xalaaleeya
Ay goojo dheer wadhi inaan garanayaan sheegay!
Inaad
Gabay-aweytow lafaha gebi ka xooreyso
Oo aad galbeed tegi adaan guuyo badan haysan
Oo aad go'iyo u xidhan rodol la soo gooyey
Aad gacaliyow cuni callaal lagugu gaadaayo
Oo aad dhalashadaadii ku gadan gelin waxaad quudan
Oo lagu geyeysiin wixii Halacba loo geystey
Aad ceeb la goloslayn inaan garanayaan sheegay!
Inuu
reer tolkay gudo haween gam isku siinaayo
Oo gamas wax xiiriyo amley la isla gaadaayo
Oo gaban agoon noqon inaan garanayaan sheegay!
Gaawaha
karuursani inuu rag isu geynaayo
Oo gaadhka Faarax Hagar gudo colloobaayo
Ay oodda kala geyn inaan garanayaan sheegay!
Gusweynida
reer Caligeri inay geeri dumar joogi
Goonyaha haddaan lagaga qorin gudimo xiiraysa
Inay gaari mawtiyi inaan garanayaan sheegay!
Gaaddo
weynta gabadheed haddii garabku weynaado
Godka lagu cadaabyey kaduu goriyo naaskeedu
Dadkoo gama'san leylkii hadday sacab u guurayso
Ay wada gableeyaan miday gelin la haasawday
Garacyaley inay noqon inaan garanayaan sheegay!
Ninka
gaalo caabuday rabbina gooyey xadhigiisa
Beryo wuxuu gabraartaba hadduu melegu soo gaadho
Jahannaba inuu geli Kitaab garanayaan sheegay!
|