|
Gabay:
Gacal
-------------------------------------
Ingiriiska
iyo Miirada la socotey baa Col weyn ku kicisay Caligeri. Geel
badan laga qaaday markaas baa Nin reer hagar ah oo La odhan
jirey Gaani Cali Ducaale oo mar hore reer caligeri geel ka dheceen
xabadna uga dhufteen gacan ayaa markuu maqlay in !" caligeri
ingiriis geel ka dhacay,ayuu gabay digasho ah mariyeyoo yidhi
Cabdiyow colkii wuxuu ku dhacay Caliyo haaruune
Isagoo cammiran baan ku furay cidhifka Laasoode
Ka cillaalay nimankuu kufrigu ciiraduu qabaye
Caska waaga maantuu gubnigu calan wallaynaayey
Uu labo cigaal doonayiyo cuurka bah Ugaadha
Waataan dadkii kale ku curay cago madowdiiye
Ceeg iyo iyaba Buulalley nama caqiibeyne
Ciriddii la dhigay Aabbahay Cali ma moogeyne
Haddii labada qolo ciilqab iyo caydh la hoganayso
Iyagaa carruurtoodu guran midhaha ciideede
Allaylehe cirna ha soo dumee Caligeraan dooray!
markaas
baa ismaaciil mire gabay tiriyey uu kula hadlayey Gaani cali
ducaale.Ismaaciil mire waxuu yidhi:-
Anagu gaaniyow gacalka dhacan waaka gubanaaye
Gankaa naga xanuunsada waxii gaadha reer hagare'e
Gadhka iyo wadnaha buu nagaga yaal gabida Daaroode'e.
Uma gabayno maantuu islaan gaalku weeraro'e
Adigana
ninkii geed mudaa waa gu' kuu da'aye
Galowkiciye maantuu lafaha ina garaacaayey
Gulgulaha hinjiinka ah markuu kaga gig siinaayey
Gabla
yey lahaayeen markuu inagu guubaabshay
Gamaasayrankeedii markuu gooni cararaayey.
Ee maraga goobtii ka dhacay gerab ekaanaayey
Galamada
iyo eeriga markii lagu gujeenaayey
Ee goodirkii dhalay ilmada gabax ka siinaayey
Ma geyo ee hilbowluhu markuu gacan togleynaayey
Ee lagu
gadaanaa marbaan go' ilahaa ciile
Ninse god dheer walaalkiis u qoday gelina mooyaane .
Warsow adiga kugu soo gotaa gamas colaadeedku
<Top>
By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)
|