|
Gabaygii:
Waa
Gaadhi baatroolka go´ay
...........................................................................................
Raasamaalka miyigu
sidaynu wada og nahay waa geela oo uu nin kastaaba
ku tallamo inuu xeradiisa ka buuxiyo. In kastoo Soomaalida
miyiga deeqsinnimo siyaado Iagu yaqaan, haddana geela
bixintiisu nin walba oo haysta waa ku dhib. Waxaase
jira waxyaalo badan oo geela loo huro sida yaradka
iyo magta oo kale.
Nin
la oran jirey Maxamed Aadan Caws oo ay gabyaaga
isku degmo ahaayeen ayaa beri damcay inuu gabadh guurswlo.,
Markuu tabaabushihii yarad - bixinta ku jirey
ayaa Ismaaciil damcay am ay la ahaatay inuu inanku
ka badbadinayo oo uu yahay nimaan geelu qiime ugu
fadhiyin. Markaas buu gabaygan ku tusaaleeyey waxa
u dambeeya ninkii inta dhallinyarannimadu qaaddo xeradiisa
ka madhiya. Kolkii uu gabaygaan tirinaayey waxaad
mooddaa inuu Ismaaciil maskaxda ku hayey maahmaahda
Soomaaliyeed ee odhanaysa: «Naago wax laga bixiyey
laguma dhaqo ee wax loo hayaa lagu dhaqaa».
«Xididku
wuxuu xil iska kaa saarayaa inta aad arooska tahay
ee haluhu kugu dambeeyaan». Erayadaas weeye
kuwa ugu waaweyn ee uu gabayaagu rabo innu Maxamad
ku baraarujiyo. Wuxuu tusaale u soo qaatay nin ka
mid ah raggii dhaqaalaha geela dhibaatada u soo maray
ee aan xataa ku dhiirran inay naago ku guursadaan,
uuna ka midka ahaa Cali-Gaban.
Hadalkii
wuxuu ugu soo dhammeeyey «Guri aan geel Iahayni
waa gaadhi Batroolkii ka idlaaday oo kale. sida aan
san aan dhaqdhaaqa Iahayn reerka geelu ka madhaa».
Wuxuu yidhi waa baabuur batrolkii ka madhay aan dhaqdhaqaayan
Garaadlaawe Ina Aadanow guud caddaan ahaye
Guumeys ku xiga oo tashiga goyn karaan ahaye
Nin soo gaadhey baan ahay raggii guurtida ahaaye
Guddoonkayga maqal yaad ka dhicin gebiyo dhaadheere!
Maandhow geyiga aakhir seben ee gubtaye waashay
Ee laysu soo wada galee gacanta lays ruubay
Ee raggii Garoowiyo iyo lidoor oodda kala goostay
Ee Gaanniyo' Geelle - yare' geed isugu keentay
Gabaad
iyo Nasiib iyo haddaad bixiso geelaaga
Goobtaad istaagtaba ardaa waa laguu guriye
Wanna waa la gegi sooryo waa shuqul gobaadeede
Faalaaga geedale hadday gabadhu kuu keento
Ganuun
xoor leh iyo shaah hadii lagugu soo gaacsho
Isguufguuf daleed iyo xishood waa geddii xidide
Adoo gaajadii qaba haddaad gees isaga jiiddo
Haddii laqanku kugu geeddiyoo gama' laguu diido
Gadhka
haddaad ka goyso aad cabaar gacan togaalayso
Aad leyika gellinkiisa hore Gini la haasawdo
Hadday gacanta kuu soo qabtaan waaga galacdiisa
Gasab nimaan lahayn naago waa gola colloobaane
Googaale
iyo caytan bay kula geleysaaye
Inay gogosha kugu laabayso oy guure xidhanayso
Oo ay Galbeed iyo u kici dhulaanad gaadheydhin
Oo ayan gacal kuu ahayn geli calooshaada!
Awargaal
dhasaynaha haduu golongolee qooqo
Waxuu dhebida geylaamiyaba gamashigii baydhye
Gobanimadu waa halaha aad gadiba shaalleeye
Gaajiyo harraad baad u dhiman oo gun baad noqonne
Cali-gabanba
garan waa inuu naag ku guursado'e
Goox buu u qaayibey iyo boor gogol la'aaneede
Waa gaadhi baatrool ka go'ay guri hal waayaaye
Golaha hayska madhin caydhi waa guuldarriyo hooge!!
|