|
Gabaygii:
Faalo
iyo War
...........................................................................................
Abwaanku waxuu gabaygan u marshay qolyahan
Iidoor markii ay dhulka Soomaaliya ku soo hogaamiyeen
Amxaarada iyagoo tusaya wadooyinka sidii ayba markii
horena Gaalada Ingiriiska itusi jireen wadooyinka,
ceelasha. iyo dhulka oo dhanba oo ay u ahaayeen indho
gaaladu wax ku aragto si ay shacabka soomaliyeed gaaladu
u xasuuqdo, waxaa Sayid Maxamed Cabdulle xasan laga
hayaa in uu yidhi "Ingiriis ama AY waday ama
Iidoor waday", gabayna intaas buu si wacan u
tiilmaamayaa waxuuna ku hal qabsaday Abwaan Samater
baxnaan waxuu yidhi:-
Mastar
Samataroow deeq haduu mowlo bixinaayo
Uu shay makhluuqu u sinaa malag u soo dhiibo
Cid uun baa mulki u yeelata oo lagu manaystaaye
Maal
iyo martabo qiimo leh iyo magaca dheeraad ah
Iyo diin mashuur lagu noqdoo lagugu muuneeyo
Iyo gabay murti ah oo gole lagaga maansoodo
Oo ul iyo maahmaah noqdoo mahadho kuu reeba
Iyo hayb markhaatiya hadii aan mudan carbeed sheegto
Oo aan cashaba sheekh mufti ah lagu maqaarsaarin
Daarood
ninkii kula murmaa waa majnuun falane
Isagoo masaafir ah ninkii maaro laga waayey
Iminkuu malyuunaad noqday oo dunidii maansheeyey
Iidoorka
maagay ee qabsada muhashadeed keenay
Waa laba magaalo yar yara oo miskiin badane
Goortay Majeerteen arkeen marin habowgiisa
Ama uu Ogaadeen makalay macangagii haystay
Iyagoon wax miisaamin baa mooye loo tumay'e
Miirooga
iyo qaadka waa lagu mirqaamaaye
Maskaxdaan fadhiyin bay qabkaa mihindisoodeene
Miyirow ba'eey waxa qaribay mukhadaraadkiiye
Muslax
iyo mudaahano hadii nalagu maalaayo
Oo ay manfaco doon yihiin kuma masuugnayne
Mirtankoodiyo kaayagii waa u meel dhigaye!
Madeebadu
madeeqdee waa malafsanaayaane
Miil iyo badh iyo waxba cune hilibkii maandeeqe
Martida uma darnine waa kursigan waxay muraadeene
Waa maxay mas'uuliyada maad Maxamadow keentid
Bal maroodigaa dhidarka daya meherada u diidey
Afartaa
majiiraha miyaan meelna uga weecshay
Malkadiisa kama leexiyee marin ma qaadsiiyey
Nin matala tolkii cadowgu waa inuu ka maagaaye
Ma masaxay af magar loo baryaa loo mashxaradaaye
Hadiise
roobku miro waa inuu miyeyga reebaaye
Miiraale iyo jeer hufadu maqasha kaa layso
Waa dayr madhane gorgoor maaxday ma imaane
Bal aan waliba mootaha hadhay iyo rido madaafiicda
Marwadooda
iyo Caaqilada ama maqaawiirta
Maareeye guud hadii minister loo doorto
Ama kaa masayrkiisu galay maamulka u dhiibo!
Kola inay maqsuud noqonayaan uma malaysaane
Murtida
hanbada sowjarkaa kala macaan roone
Musuq maasuq bay rabaan iyo gaal masiixiye
Milad malaha diintoodu waa faranji maamuuse
Ma mucaarad baa waxay xidheen macatabkiisiiye
Balse
inayan malabkii xornimo moralba u haynin
Shanta kala maqnayd baa la waday inay midoobaane
Goormay Amxaar magansadeen midab qadhmuunkiisa
Hartiga
kuwaa madal hufoo mahad ma soo hoyne
Hadii ay moodayaan calanka suuf meel cidla saaran
Ama uu mulaaxsanayo jees madax wareer qaaday
Mingistiyo Ruushkuu watay baal laga maquunsheene
Inta
kale mareer sir bay noo maldahayaane
Waa wada munaafaqe jihaad uma maleegtaane
Anaga iyo Mareexaan qudha iyo Morgan iyo Gaani
Iyo maqadinkii Samataroo miiga ku ilaasha
Kol haday mintidayaan dagaal kama milaawaane
Nin maroorsan karayaa majiro oo mahoobira'e
Malaa'iigtu
wow hiilisaa muuminkii run ah'e
Maantii Madiina iyo kabcada muruqa loo sheegtay
Shimbirii maroodiga dilayee mowtiyaa yimide
Mayalkaanu haynaa Rabina nala mid weeyaane
Murtad iyo Kufaar igawallay midig saraynayne
Kolkaan xalay maluugaha cirkiyo faal ku madadaashay
Mooradiyo waa caytameen minankii Iidoore
Soomali
kala maarsada iyo nabad macaankeeda
Waa taa mar uun looga dhigay mur iyo waabay'e
Maatiyo naftaba waa u dane laga madoobeeye
Shaydaan maryooliyo Iblays loo muraad qumiye
Goortuu
sideena u murgay ee la isu midho sheegtay
Ingiriisba qaar baa marsaday oo midiidinaha'e
Bal inay macaansadan........ madhaxa duugiisa
Muuniga aroortiyo hadhka iyo maantiyo caawa
Meel ay ku kala quusatiyo aan mudo u qaadno
|