|
Gabaygii:
Dux ha yeelan
waligaa
...........................................................................................
Waataynu horay u niri Ismaaciil waxuu
ahaa nin gabaygiisu dhow yahay oo wax yari ka gabaysiin
karaan taas macnaheedu ma aha inaan gabaygiisu qoddo
dheer lahayn waxsuu yahay nin wax kasta oo dadku yaraysto
isagu murti ballaadhan ka abuuri kara oo macne weyn
u yeeli kara Ragii hore ee gabyi ogaa waa ku yaraayeenkuwa
xoolaha gabayga ugu dhuunta oo marka ay rabaan arin
ku soo dhacday daaha oo qaadaan neef geela ama adhi
doodda u jeediya. Ismaaciil dhankaas hana qaad buu
ka yahay, wuxuu u gabyey sidaannu soo aragnay hashiishii
«Markab», waxaannu haddana arki doonna
isagoo u gabyaaya wan, mar kale isagoo orgi u gabyaya,
isagoo Guuguule u gabyaya kolkaannu gabayiidisii u
soo dhacno. kuwii ugu dambeeyey.
Xilligu
waxuu ahaa xili kulul oo diraac xun dhulka saabatay,tuugadiina
badatay. Intii wankii eegay ayuu ku yidhi "Ina
Deylo-gorodow, inaad sidaas u ciyaasha kuuma. Markaas
buu gabyey,isagoo waqtigaa la joogey tilmaamaya. waxuu
Yidhi:-
Ina
Deyla - gorodow haddaad dooni inaad naaxdo
War baaa kuu daliilinahayaa haatan kaa dedane
Dad iyo duunyo waa aakhir seben lays dillaacsadaye
Dul
balladhan lubo awlal uu deexday dhinacooda
Deddeb buuran inaad yeelataa waa hal kuu darane
Duglahaaba kuu dhaama bari inaad dadduucdaaye
Ragga
delebka jeexday ee timaha deebta marinaaya
Waa wada dufule tuuga oo dubay baraarkiiye
Durrirmaha agtoodaba ha marin yay ku daakhiline
Dumarkana
badh baa xada ilmaha soo dabayshade
Dar kaloo haweenihi wixii dagan ma daayaane
Cilmi -Daallin iyo Jaamac oo sebenku daadduunshey
Hadday
kugu dareemaan baruur ma adan daaqdeen ?
Dux ha yeelan waligaa haddaad war iga doonayso
|