|
Diqdaqaayib
.........................................................................................................
Gabaygan
waxaa tiriyey Ismaaciil Mire, xilligii laga guulaystey ciidanka
daraawiishta, wuxuuna la hadalayaa hal uu lahaa oo la oran jirey
Markab. Ismaaciil Mire isaga oo ku halqabsanaya hashaas ayuu
tilmaamayaa dhibta haysata Soomaali.
Maansadii:
Markabey
dalkii waxa banaan inaadan dooneyne
Dugsi-kululo Doombiraley iyo degalkii Reer-weyne
Darroorrimada laantii lahayd layku dacareeye
Diqda qaayib awrtana la daaq deeq Allaad sugiye!
Docmiyo
Toomihii duri ahaa lagu dugaagowye
doox iyo xirweynaba kufraa degay mareerkiiye
Daaro iyo banglo miiran bay inagu deyreene
Diqda qaayib awrtana la daaq deeq Allaad sugiye!
Markaan
diriri jirey waadigii damal ka weynaaye
Daliigahanna kurus baa ahaa duudkan feensamaye
Dararna waan lahayd aad murkaha daafta marisaaye
Diqda qaayib awrtana la daaq deeq Allaad sugiye!
Dulla-carcaraaf
waxaan kuugu furay dan iyo caalwaaye
Markabey dalkii waxa banaan inaadan dooneyne
Diqda qaayib awrtana la daaq deeq Allaad sugiye!
<Top>
By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)
|