 |
Gabaygii:
Deleb
..................................................................................
Cali dhuux iyo faacul oo wada kaftamayey
baa faacuul ku yidhi caliyow ha gabyin, calina waxuu yidhi hadaan
gabyi lahaa waxaan odhan lahaa:
Goorey
muddo ka soo wareegatay markuu gabaygii , wuxuu Cali-Dhuux Aadan
raaciyay gabay ah: Doqonkii Ogaadeen ahaa, Doollo laga
qaadye
. faacuul ayaa ku soo booday oo afka qabtay oo ku yidhi"gabay
ha nagu tirin oo halkaa ku dhaaf"Cali-Dhuux wuxuu sheegay
inuu halkaa ku joojin doono gabayga, laakiin haddii uu maqlo
iyadoo la hadalhayo uu dhamaystiri doono sidaa ayey axdi iyo
aamin ku kala qaateen,muddadii goor ku dhow ayaa Cali-dhuux
oo makhaayad shaah ka cabbaya wuxuu maqlay inankii shaaha u
keeney oo tuducdii ku celcelinya.Cali wuxuu inankii weydiiyey
cidda gabayga tirisay.Inankii wuxuu ugu jawaabay in nin la yidhaa
cali-dhuux ayaa tiriyey,nin weyn loo la sheegayo Hal tuduc uu
tiriyeyna waa laga fiican yahay halkaas buu cali ka bilaabay.Tixdaasna,
waxay furtay Silsiladdii Gabayadii Saddexgeesoodka Ahaa ee GUBA.
Koowaad.
Doqonkii
Ogaadeen ahaa, Doollo laga qaadye
Loo diid Dannood iyo hadduu, degi lahaa Ciide
Niman baa dalkoodiyo xukuma, labadi daaroode
Daratoole iyo Faafan oo, wada duraabaaya
Deegaanta haradii ku taal, daaqi ma hayaane
Doox kama mareershaan dhulkay, Deleb ku beerreyde.
Markii duraha jiilaal kacee, doogga la idleeyo
Duurka iyo dayada Hawd markay, Debec ku soo oonto
Laaskuu ku dalandoolli jirey, loogu degi waaye
Alla Dawguduuddii Wardheer, kama durduuraane
Dawadeedu waa Jeerinleey, ugu dul geeraare
Ceelkii biyaha diirranaa, looma dawdeboe
Dixda Qarandi Deer iyo Mataan, loo dardari waaye
Darar kagama maalaan Cammuud, diiqo iyo xoore
Maantana dukaammaa la dhigay, degelki Gaafoowe
Dixda Reygareed iyo Gargaar, laysu dacareeye
Deyr baaba lagu meeriyoo, loo dabbaaldegaye.
Wardheer
aan dagaal xumi ka dhicin, dig iyo baaruud ah
Doox iyo Doh iyo Faafan waa, soo dalbanayaane
Kuna dalaaqe naagihii inay, dib uga laabmayne
Iiddoorku suu damacsanaa, loo diyaafadiye
Hadba dunida duul baw kacoo, diin la soo shirae
Dar Ilaahay uun baa xaggiis, looga soo diraye
War sow sida Darwiishkii Isaaq, duub cad uma qaadan!
Makaahiilku
Dooy uma kaceen, degaya Hiiraane
Daacuunku meeshuu ku layn, uma dalluumeene
Daal iyo hadhuudh kuma cuneen, Degelki Haarweyne
Habar Yoonis bay uga durkeen, degelladoodiiye,
Dullinnimo inay qaayibeen, waxa daliilkiiya;
Dadba weli ma arag reer Subeer, duul ka soo qaxaye
Dooyiyo dabriyo weerar iyo, ma laha duullaane
Ninnaba uunka kama dawladsana, Dir iyo Daaroode
Ilaah baa dabkoodiyo nasakhay, danabbadoodiiye
Dadka uguma liitaanee way, diriri waayeene.
Afartaa
sidii deleb la riday, maysu dabajoojey
Dadii aan ka qaadiyo miyaan, Deelka
ka habawshay
Ma daleeyey deelqaafku waa, kaa dilaa gabaye
Dacwad
kalena waa Reer Xirsiga, hal an dareensiiyey;
Dadka waa la wada laynayee, waa u darraydeene
Dubbihii ku dhacay Bih Ina-Cali, doogta weli haysa
Waa waxay la dabandeebayaan, daqaradeediiye
Waxay dalagga beeraha la qodan, waa dagaagnimoe
Damal Aboodi Deyr iyo Afmeer, dixida Gaaroodi
Reerahoodu maantay degeen, daawe lagu boobye
Sidii galab dawaar loogu rogey, Deleb ma maalaane
Ina-Raabbi waa tii la dilay, waana Reer Dalale
Dibi kuma sangootiyin kuwii, dahay Ugaaskiiye
Dan baa tiriye lama duudsiyeen, Dirirki dheeraaye.
Aniguba
dubkaan uga nixiyo, diirka oogadae
Ma damqadoe kii dad ugu xigay, waa durduriyaaye
Ilma Dacarba duul bay indhaha, dubuq ka siiyeene
Nimankii walaalkood durqumay, kama dambaysiine
Degdegsiinyo waatay ciyoon, duqo u laayeene.
Nimaanse aabbihii danashyo dhalin, looma duurxuloe
Dib baa looga yaabiyo inuu, kaaga sii daroe
Dagaalkii Kilaas ugama rayn, duulki Reer Sharace
Dunta boqorka nimankii sitaye, duubi jirey shaalka
Bal muu duro waxbana yaanu dilin, doorarna u layne,
Geerida Hurraha diidey bay, darajo dhaamaane!
Afartaa
sidii deleb la riday, maysu dabajoojey,
Dadii aan ka qaadiyo miyaan, Deelka
ka habawshay,
Ma daleeyey deelqaafku waa, kaa dilaa gabaye,
Dacwad kalena waa aniga iyo, dan iska sheeggayga;
Maansadan
dad wada qoonsadaye, diradiraw qaatay
Diin run ah daliilkii sharciga, yaan ka daalacaye
Dembi inaanu iga raacahayn, wax u daliilkiiya:
Daahyaale geelii la helay, waa kan Dayr dhalaye
Duudweyn ma jiro Haamo iyo, dabo Cadaadeede
Derrin iyo afkii Daadmareer, kuma dareershaane
Dahab waa tan iyo qaalmihii, deyrcadka ahaaye,
Durmad quruxsanleeyey ma foga, Dalawadiinniiye
Dambarkiisu waydiin uraa, waana dabataane,
Iyadoo dildilihii bishiyo, dacashii haaneed leh
Oo wada dunuunucahayuu, idin dul joogaaye
Dubuxul
baaba lagu sii wadaa, dararti Baarjeexe.
Afartaa sidii deleb la riday, maysu dabajoojey,
Dadii aan ka qaadiyo miyaan, Deelka
ka habawshay,
Ma daleeyey deelqaafku waa, kaa dilaa gabaye,
Dacwad kalena waa aniga iyo, duun u hadalkayga;
Nabsigu
waa daruuraa cirkiyo, sida dabeeshaase
Dersinkii wax qaatuu layahay, deynki godobeede
Daairadu maantay waddaa, duulashii galaye
Xaqa daguugmay duunyada la dhacay, dumarka ooyaaya,
Naagaha ilmada duugayee, diilalyadu hayso
Daaimo haddaydaan ahayn, dagay xaqiinniiye
Dagaalna waan jeclaa xaajo aad, dib ugu aydaane,
Doqonyahay ka kaca meeshan aad, dacayda laallaadin!.
<Top>
By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)
|