 |
Gabayga, Daacad
.................................................
Sida
ragga taariikhda u leh, warkoodana lagu kalsoon yahay laga wariyey,
Cali Aadan oo loo yaqaan (Cali Dhuux)wuxuu ka mid ahaa raggii
Daraawiishta dagaal kala soo horjeestay,colaad weynna u qaaday.Dagaalladiisana
waxaa ugu weynaa gabay uu Sayid maxamed iyo Daraawiish u mariyey
isagoo kala kaxaynaya ayuu gabaygan tiriyey si ay ukala yaacaan.
Inkastoo gabayada Calidhuux mariyey badnaayeen, aan ka soo qaadno
gabaygii ugu darnaa isagoo Sayid maxamed ka xumaan sheegaya,Daraawiishna
ku gubaabinaya inay xarunta iskaga tagaan kuna faanaya meesha
uu tegey, wuxuuna yiri:
Ninkii
weligii diinta banaan,daacad ugu sheega,
Dariiqii rasuulkii ninkii,diirka uga qaada,
Daw kulama soo baxo cilmiyee,waa la diriraaye,
Doofaarraduu
wadan jiruu,dila yiraahdaaye
Iyaguna markaasey ku didi,diidi mahayaane,
Bal in meesha lagu doorsan yahay, waxu daliilkiiya,
Duqaydii
badnayd ee ku lumay,duudsi iyo jeedal,
Dammanaanshahaa reer tolkay,loogu daw galaye
Sidii bay u daba roorayaan,daallinkii rogaye,
Doox
iyo hadday nala deggan,degelka Buuhoodle,
Waxaan lagu durudrin Eebbahay,uma darraadeene
Sidii dumar dagaal iyo afxumo,uma dul qaataane,
Diyaar
uma hadlaan wiilashii,dawladda ahaaye.
Hadday deris wadaagaan nin kale, dacal ma waayeene
Alla may iskaga soo durkaan,deris ma laayeene,
Daaroodka
ay wada dhasheen,diriyo haabkiisa,
Daymadii Ilaah maxamed-dage,nooga derejeeye,
Kuwa weli ku dabandeebayaan,duxi ka raacayne,
U digay oo u digay oo duulka waa, loo dan leeyahay,
Haddaan anigu daar dheer ka koray,oo daf idhi saaxil
Iyaba doortee daayeer gar cuna,kii dulleyn jiraye,
Dabada hayska raacshee,bal maan deysto hadalkayga,
<Top>
By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)
|