|
Gabayga:
Waano
........................................................................
Gabaygan
Waano waa gabay uu Cali-Dhuux ku waaninayo afadiisii oo uu sheegayey in masiibada ku habsatay beeshii Cali-Dhuux ka dhashay
ay tahay uun mid xaga Eebe ka timid. Taas oo uu ku baraarujinayey
afada in aysan dusha ka saarin eeda iyo canaanta isaga ayna
ogaato una hogaansanto qadarta Eebe.
Qudhmis
iyo Qaroorweyne iyo ilaha Qaansoole,
Qawdhaha kabaxay Tuur-wareen Qararo baasheeda,
Qaadhaha Madheedhkii lahaa Quruxda reenweyne,
Qoda
dhagaxley qooriga Haye iyo tuban Qalaalkeeda,
Qotankii Yamayskiyo kobtaan Qadow ku beeraynay,
Nimankii qusuusiga ahaa Qoran madaajaane,
Qaandhaawadii
kuma lisaan Qamaca jiilaale,
Qorog buuxa Agaan qafilan Qabaxsan maayaane,
Qiyaas caanaheeda oo dhanaan kuma Quraacdaane,
Qol
dugsoon intay jiifsadaan Qabay ma fuuddaane.
Qadhyad gabadh ah qaalida haween lama Qadeeyaane,
Jilbad qabaxle, qool cadan ka yimid Qaylli la xadeeyey
Intay
qalab magaalo u xidhaan kula ma qooqaane,
Qarashyaalihii lama dhacaan qirada fiiqnaaye
Qosolkii iyo haasaawihii ku qarxinmaayaane,
Qarafa
awra ah kama sooraraan qabay Ogaadeene
Qawad laabta joogiyo xarago lama qammaadaane
Intay qam isku siiyaan hagoog Qaran masheegtaane.
Dhalinyaro qabiibi ahi Fardaha ku qadhaabtaane.
Sange
qaarar weyn iyo darmaan Qooqin ma hayaane,
Ashkir qaayib, iyo xamar qoodh qabiyo Qalas ma fuulaane,
Baroor qadan leh oo aad midabka qad iyo laasmoodo.
Qolqol
uma dhisaan geed intay Qun ugu waabaane,
Qol kujire qasaaraha rogaal uma Qalqaalaane
Intay qoorta kaga weeciyaan kuma Qateeyaane
Hadba qolo intay weeraraan kagama Qayshaane
Qaalmo sedo ah quud inan gumeed Qaybsan mahayaane.
Waalagu
quwayn jiray bahday Qaabka boolida e
Qaankiisa oo tuban hadii la qoodeeyo waa geele
Qaynuun amaan duule iyo Qarad masoocdaane.
Naag yahay aduun iga qariban Quusna waan ahaye
Qab baa madaxa kaa buuxa oo waad qadhaadhahaye
Waxaan la qar wayaa laylka dhexe qoomamo iyo ciile.
Ragii
aniga ila qayr ahaa qoladii reer Jaamac
Qormadaad ogeyd baan lashiray amase Qoorwaaye
Qabiilkii ku guursaday lamadhi Qoonkii reer Gorode
Maantana qudhayda iyo Cabdoo Qaawan baa hadhaye.
Qarigii
Ogaadeenka yaal qaraxii doofaare
Iidoor qareen kama dhigteen qaatay halihiiye,
Hadba qolo waxaan ula degaa waa qariibnimo e.
Qalbi
hadii aad leedahay asaad qaadan taladayda
Qaydada ilaahay ku timid qaadir taladiisa
Qawlkii rasuulkiyo sharciga hays qilaafina e
Qaatumadu yay kaa xumaan qirada diineede,
Qaybtaadii soo laasataye qaafku dhigo looxa.
<Top>
By: Badow <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.se)
|