|
Gabaygii:Caad
igama saarrnayn
Caynlaydan gaaban wuxuu Aadan carab ku soo qaadanaya
Arrimo dhawr ahoo ka dhacay degaankii uu ku
barbaaray.Waxay ahaayeen dhacdooyin markii hore
fudayd lagu galay ama dhibaatada ka imaan karta aan
si wanagsan looga fiirsan dabadeedna la eeday oo
guuldaro lagala kulmay ha lagala kulmee wuxuu
gabyaagu inabarayaa inuu isagu waxa dhici doona
dareensanaa oo ay bilawgii horeba u caddayd wixii
lagu kacaayey
in aan la mahadin doonin dhacdooyinkaas oo shan ahi
waxay kala ahaayeen
1) Ciidamdii talyaaniga& Ingiriisiga eegeyiga
soomaalida ku loollamayey oo wuxuu arkay dhamaadkii
1900 meelo isku dhow dhow la dajeyiyey iyo
saraakiishoodii oo kolba kulamo yeelanaya waxuu ogaa
markay sidaad yeelayaan inaysan daacad ka
ahayn2)Arinka kale waxuu goob joog u ahaa Khaalid oo
reer faarax hagar ku gardarroonaya kolkii la
abhinayey ku joogsan waayey markaas bey u cadayd in
aan faro la isla gafayn3)Waxuu Arkay reer Aadan-Hagar
ooAdhi iyo Ashkinba ay xoolihii
Ka bateen,dabadeedna kibir ka qaaday markaas bay
Abwaanka u cadayd in xoolahaasi dhaafi
doonan,taasina waa rumowdey waxayna dhacday Ciidan
Ingiriis oo uu ISMIIDH duulinayo markii lagu soo
carcoorriyey oo askar ay gumaadeen darteed geelal
farabo badan looga mooradduugey4)waxuu Arkay rag
damac hayo walina ka hadhi la' gabadh aabbaheed
baxshay oo nin gayaankeeda ah kula xididay5)Ugu
danbayntii waxuu sheegayaa colaadii daraadeed markii
harawaati rag askar ingiriis u ahaa ay ku laayeen oo
geelashii hawd la dhaafin waayey
Cismaan xaajiyoow gabay hadaad caawa iga doonto.
Cibaarooyin badanaan arkaan kuu cammirayaaye.
Idinkuna xafida waa masalo loo caajaaibaye.
Markay calanka laba dawladood ceel ka wada taagtey
Caqiidkiyo markii saajimada ceeg la wada joogo.
Camal daarka iyo kaabihhii wada cashaynaayey
Cad igama saarnayn inay ceebid daba taalee.
Ma carraabo keliyuu ku tegay kii la celin waayey?
Cimrigooda niman boobaya maaha caynkaase.
Markii cagaha dhiga khalidkaa lagala caal waayey
Ee cadowga reer Faarax Hagar laga cadhaysiiyey.
Carraaliyo markii laysku dayey cuurkan bah-ugaadha.
Caad igama saarrayn inay ceebi dabo-taale.
Cawlyahayan habeen hore miyaa haadku ku casheeyey?.
Calool buuxsantaba guul daraan looga caal heline.
Caanaha markuu Aadan Hagar haan ta ka cabbeeyey.
Ee cago-yartii xoolaha iyo cuudku wadi waayey.
Cad igama saarnay inay ceebi daba taale.
Ma colkii ismiidh wadi jiraa caasha loo geliyey.
Markii caalinkii inanta qabay culammadii maagtay
Caddood iyo markii seeddiyadii lagu ciseyn waayey.
Caad igama saarrnay inay ceebi dabo- taale.
Waa loogu cadhay maalintey calagta laayeene,
Cawgiirta sow lagama dhigin ciidanki u kooday.
Markii geela caynaba iyo daran laga ceshiimeeyey.
Cagociid markuu maalin qudha ka cokanaan waayey.
Curcurihii walwaaleeed markii lagu cashuuraayey.
Caad igama saarrnayn degmadu caydh inay tahaye.
Ma caraancarkii shiil-caskaan caato socon waayey.
...........................................................................................
|