|
Maan ku hadhka Gabayadii
Reer Buuhoodle Soomaalida
dhamaantood hadaba dadka wax akhriya markay milicsadaan ciwaanka
sare waxaan u malaynayaa in ay is waydiiyaan muxuu goonida ugu
doortay Reer Buuhoodle ma dadkay ka gabay fiican yihiin ama ka murti
badan yihiin hadaba waxaan jeclaan lahaa in aan waxooga ka yara
taabto Ragii ku dhashay Buuhoodle oo aan is leeyahay waa Raga ugu
horeeya dadka Soomaalidii gabyi jirtey ama hada Jirta ee gabayda
waayo kuwee bay ahaayeen ragaasi.
Bal hadaba aan idiin guud maro Raga meeshaa ku dhashay ee gabyi
jirey:
1.Sayid Maxamed Cabdul Xasan
2.Ismaaciil Mire
3.Cali Aadan Gorayo(Calidhuux)
4.Nuur Aadan Qoolaab
5.Samatar Baxnaan Cabdule
6.Ducaale Aadan Qoolaab(ducaale dheere)
7.Aadan Yuusuf Axmed(Aadancarab)
8.Axmed Dirir Nuur Aadan
9.Galoos Hiirad
10.Cumar Cigaal
11.Diiriye Aadan (diiriyekadeed)
12.Bidhiidh
Ragaa aan soo taxay magac yadooda waxay yihiin xulka ugu hereeya
inkasta oo ay jiiraan xulka labaad qolo aan ka dhigay oo aan soo
qaadan doono qormooyinkayga danbe insha alhaah.
Hadaba waxaa laga yaabaa in aad garataan ragaa intooda badan
magacyadooda gabaygoodana aad maqasheen balse aydaan ogayn in ay
isku hal meel kuwada dhasheen waana ragii ugu haystey wixii afka
soomaaliga ku gabya ilaa dhamaadkii qarnigii 18aad iyo ilaa
dhaamaakii qarnigii19aad waxayna dhamaantood ku wada dhasheen
buuhoodle maraaka´waxaan odhan karaa in ay istaahisho buuhoodle
koobka murtada iyo suugaanta soomaaliyeed laguna qadariyo maadaama
ay ka wada yimaadeen raagaa tariikhda soomaalida dhexdeeda ku leh
xaga halganka iyo murtidaba.
Bal hadaba aan dib ugu noqdo maan ku hadhka gabaygooda hadaba ereyga
maan ku hadhka waxaa laga yaabaa in qaarkiin is yidhaahdaan muxuu
ula jeedaa waxaa weeye kelmedo ku dhex jira gabayga oo maskaxdaada
ku hadha, markaad akhrido ama dhegaysto gabayga noqdana in lagu
maahmaaho ama loo adeegsado sheekooyinka.
Bal aan ugu horaysiiyo maankuhadhka gabayga
Seyid Maxamed
Nin dayoobey deyr deyr haduu dawyada u jiidho
Mar uun buu daryaankii ka bi,i doorshay madixiiye
Bal dayaay dalkuu dhaafay buu dib ugu laabtaaye,
Musuq maasuq Soomaali waa meheradeediiye
Hadba midab horlay kuula iman maalin daa,imaha,e
Maandhoow ixsaan lagama tago eed hadaad faliye,e
Dawo lagama gaal hadaad daawo dhigataane
Marka hore dabkuu idinka dhigi dumar sidiisiiye,e
Marka xiga dushuu idinka rari sida dameeraa,e
Marka xiga dalkuu idinku odhan duunyo dhaafsada,e
Dabeedna daabaqada wuu idin dareesiine,e.
Kuma soo koobi karo maan ku hadhka gabayga Seyidka bal intaa ku
dhaafo.
Bal aan ku xejiyo darwiish Ismaaciil Cali
Mire
In kastuu kalaho ama kabtiyo ama kur dheer fuulo
Bad kaluun ku jira kolay ku tahay amase koob shaah ah
Ninba kimista loo qoray maruun waa la kulan siin,e
Nina in aanu soo kororsanyn kaa hala ogaado.
Cali Aadan (Cali dhuux)
Nin dhirbaaxo quudheed dugsadey dhaqayadeed maalye
Dhashaaday sugtaa xajadaad dhorataa abide,e
Samatar Baxnaan
Nin deligani reerkooda waa doc uma dhaafaane
Dadka kugu diryaa iyo afxumo kugula daalyaaba
Sidii dumar la wada guursaduu kuula diriraaye,e
Axmed Dirir nuur aadan qoolaab
Amarkii ilaah iyo wakhtigu waa wax kaa adage
Nin anbaday halkuu aaday way ula ekoonayde
Anigoo arkaayaan wadada eerigoo xulaye,e
Ducaale aadan qoolaab (ducaale dheere)
Salaanow gob samir weydey waa saanacad iyo hooge,e
Sideedii cashaba waa intuu sahanku laalaaye
Geel kala samacane waanigii soobir gawracaye,e
Iidoor sal fududaa wuxuu sugayo muu dhowro
Nuur Aadan qoolaab
Geestii wacays aadan baa layga soo galaye,e
Wax badan baan ka gaban gaabsadaye waa i geliyeene
Gacmahayga eedaye ragii gigane maan daayo
Aadan Yuusuf Axmed (aadan carab)
Darood iyo xigaal baynu nahay naguma daayeene,e
Dabkii lagu xanuusado faruhu kuma diraadaane,e
Cumar Cigaal
Bali calane geed la hadhsadaa waa bidhaan arage,e
Bilcilkaad ogayd lebi calaan waa ban diiradahe,e
In aduunyo boob lagu helo yey badawdu moodaay
Sida eebahay wax u baxshaa way banaantahaye
Diiriye Aadan qoolaab(diirye kadeed)
Sidii aan idiin geli lahaa baydin garateene
Geerida ninkii ii hayaa haygu rido goofe,e
Goonyaha dab weyn igaga shida maalintaan go,e
Gacmihiina maantaan ku jiro hay gargaarina,e
Galoos Hiirad
Sodon boqol miyaa geelayaga seylad laga ooday
Ma saakaa ragii maali jirey suuqa lagu sheegay
Hadaanan saawa saawaha ku lumin surinka lay ooday
Aniyo seediyaashay maxaa saancad kala haysta.
Bidhiidh
Hashaydu hashii hagar bagay uga hareer footay
Babuurka how lihi baguu noo har qabateeyey
Ninmankii hagoognaa bagaa hilble loo mooday
Haakaala eeboow baguu noo hantiyey gaalku
Cusmaan Duraan
Osmanduraan@aol.com |