Ismaciil Mire

Gabaygii: Barxadii Astaadkii jirey
...........................................................................................

Shimbabiris waxa Daraawiishta uga dhisnaa qalcad xoog leh oo si fiicaanna u hubaysnayd had iyo goorna ciidan farao badani joogi jirey. Ismaaciil oo ciidan mar la geeyey madax u ahaa ayaa lagu beddeley Darwiish kale oo Warsame Baarqab la odhan jirey, isagiina Taleex looga yeedhay si hawl kale loogu diro.
Ismaaciil habeenkii uu subaxiisa ambabixi lahaa ayuu raggiisii la ballamay gabay oo yidhi:-


Bal i maqal Warsame-baarqabow waa ballamayaaye.
Barax baa sibraar iigu jira caanihii Boga'e
Anigiyo barkeen kaleba waa bixitimaynaaye
Bidha waaga waxaan fuulayaa badow darmaantiiye

Beritana boqoolaannu nahay boodhkii hilinkiiye
Barxaddii Astaadkii' jiraan beeg isleeyahe
Aniguba ninkii toban bilood baadey baan ahaye
Bishaarooyin baa iiga yimid beydkii Xaruntiiye

Qalbigii basaasnaa hadduu ii bogsanayaaye
Ka bedbaada baasaha col iyo beliyo laandeyre
Baabkii Ilaah iyo Sharciga beerka ka ogaada!


Bogganow Astaadkiyo cuskada barakadii diinta
Gaadhkiyo Ilaalada badsada feeyigaan bidaye
Sidii boqorradii Ayl fadhiyey badhaq-nugayl diida!!

<Top>

By: Ahmed H Aden <Shaxda Buuhoodle> (Shaxda.com)