|
Gabaygii:
Barakaale Eebbow
...........................................................................................
1924 Ka dib markii
uu Ismaaciil mire Daraawiish ka soo galay ayaa Dhulbahante
Nugaal isugu soo guuray.Iyadoo halkaas la yaal baa
Suldaan Cali Keenadiid oo Hobyo u talin jirey sadex
col ku soo bixiyey caro Dhulbahante. Colkii hore waxay
qaadeen Geel Irmaan ah oo uu lahaa nin oday oo la
odhan jiray Bare Bullaale. kii labaad iyo sadexaadna
waxay qaadeen geelal kale oo faro badan
Maalintii
danbe iyadoo reerihii la dhacay shirsan yihiin,Ismaaciilna
la fadhiyo ayaa nin Biixi Qaley la odhan jiray ku
yidhi Ismaaciil Mirow berigii Daraawiish jirtey waxaad
tirin jirtey gabayo guubaabo ah oo wax laysaga reebee
maxaa eegga kugu dhacay oo aad la aamusan tahay.
Ismaaciil
kolkaas ayuu gabaygan guubaabada ah tiriyey,Isagoo
reer walba gaar ahaantiisa u canaananaya. Darwiishku
waxuu Yidhi :-
Bojin maayo gabay Biixiyow beegga haatana'e
Nin ka baadey baan ahay tolkiis booldhannimadiiye
Ba'naantii Shirshooraha waxaa beenshay cararkiiye
Eeggana baqdhoos bayga galay barashadiisiiye
Badalliga raggii wada noqdee baarka kala jeexday
Boqol baa ka raray geedihii baxaye dayreede
Barkad uguma bogin geeddiguu baydadka ahaaye
Barre markii la dhacay yuu ratiga buur u looshadaye
Berberuu u jeedaa inuu biic ka jiririyaaye
Alley Bahararsame looma filin baabka ay tahay'e
Bur ma tuurin nimankaan lahaa beel ha shiriyeene
Bugtii horeba waatay qaxeen boqorradiisiiye
Biyo nin iska saydhaa ma jiro bari Nugaaleede
Bar baa caydha reer Jaamacii biligu saaraaye
Baylihiye geelii markuu beleley keybkiiye
Biyihii Ugaadhyahan ma tegin boobtankii shalaye
Bile iyo Cabdaan iman markii buugga loo diraye
Hadba baal la jarey reer Tolkood waana bixiyeene
Bustahay hullaabteen kuwaan bidayey duullaane
Axmed Garaad isbahardaadiskii biid ku tari waaye
Bilaash
looma dhiqin geelan uu biran majeerteene
Burge miidhan buu dhalay raggii beeray waa hore'e
Goortey belaayadu dhacdeey badhaq nuglaadeene
Marna haddeeyan biid igu tarayn baaho iyo eebe
Bicdadooda lama joogi karo duulkan bayrta lehe
Beled inaan u haajirana wey badownimo e
Barakaale Eebbow xaggaa iga bedbaadeyso!
|