|
Gabaygii:Allahayow
walaalaannu nahay
...........................................................................................
Maxamad Ciise Faarax
oo «Darwiish - daqarre» lagu naanaysi
jirey Ismaaciil baa abti u ahaa, wuxuuna ahaa nin
reer magaal ah oo odayga u roonaa, hadba kolkii uu
sodcaalo ama wax u farsado.
lsmaaciil oo reerkiisii jooga ayaa beri dambe loogu
~ warramay inuu Maxamad magaalada Burco ku xanuunsanayo
oo furuq ku dhacay. Warkaasi aad buu gabayaaga u saameeyey.
Galab galbaha ka mid ah oo isla ayaantaa ayuu arkay
baabuur Burco u ambabaxsan. Markaas u gabaygan mariyey
Baabuurka
tegayow haddii tacab laga buuxsho
Ninkii too muraad u leh haddii lagugu sii taaro
Wiil tabtaada laasimay hadduu tumanka kaa fuulo
Tartarraa'iyo feedhaha hadii teneg lagaa saaro
Tawil
gaabsha miihide haddii lagu tamuunsiiyo
Tuujaha' haddii lagugu dhego talel hinjiinkiiye
Oo toogo qumiyow sidii wadhaf laguu tuuro
Tafeennada' adoo boodh ku leh iyo taabsinnada shaagga
Waxaad
hilinka taahdaba haddii suuqa lagu taago
Tumbul baa idiin iman markaad tigirka aastaane
Ninkii Maxamed tawllane arkow tebi farrintayda
Haddaan tol iyo xidid leeyahay tebiya dhawdayda,
lntaas
markuu yidhi ayuu raaciyey tuducyadaan tiiraanyadu
ka muuqato ee ku tusinaya sida weyn ee uu inanka u
jeclaa. bal tartiib u akhri oo isku day inaad si wanaagsan
u garato xanuunka hoose ee gabayaaga haya ee uu la
tiicayo. Wuxuu yidhi:-
Weylaalistii
xalay ma ledin wahan daraaddiise
Warka Maxamed laga keenay bay wereftey' laabtiiye
Waxba iima tarin caanihii Waariskii dhalaye
Allahayow, walaalaannu nahay wiilka hooyadiye
Allahayow wadnaha hayga qaban waaxid baa tahaye
Allahayow waddada hayga gudhin way irmaan tahave
Allahayow waraaq baas dhambaal wada ha ii keenin
Mar
kale oo uu Ismaaciil Rabbi ka baryaayey inaan geerida
Maxamed dhaqso loogu soo sheegin ayuu tixdan kala
hallowdayna mariyey. Wuxuu inanka ku maseeyey wadnihiisa,
indhihiisa, beerkiisa, lugihiisa iyo xubin kasta oo
oogadiisa ka mid ah, noloshiisana lagama maarmaan
u ah. Intaas oo idil marka uu isdaba dhigaayo wuxuu
ina tusaalaynayaa oo qudha halka sare ee uu inanku
ka joogo iyo waxtarka uu ku qabo. Wuxuu yidhi:-
Allahayow
ma-hurahayga beer Maxamed weyaane
Allahayow manjaha laga socdiyo madaxa weeyaane
Allahayow wadnaha miririgliyo midigta weeyaane
Allahayow miskaha laga kiciyo waa malluuxyada
e
Allahayow lafaha mayraq iyo waa mergiga dheere
!
Gabaygu sidaas ayuu u socdaa, xubin walba oo jidhkiisa
ka mid ahna wuu ku sheegay, ha yeeshee, shantaas tuduc
ahayni nagama soo gaadhin. Maxamed Ciise ayaamo ka
dibba wuu doorsaday, dadkuna waxay taas u saariyaan
ducooyinkii badnaa ee Ismaaciil oo Ilaah sa-mada ka
aqbalay.
|