|
Af-soomaaliga &warfidiyeenka maanta |
In kastoo aanu lahayn dawlad u xil-qabta oo aanay jirin hay’ado u xil-saaran,
horumarkiisana lagala xisaabtamo, haddana afsoomaaligu wuxuu mudan yahay in sida
loo dhaamo! Dhawr iyo toban sano ayuu silic iyo saxariirba ka dhergey oo aanu
helin cid ka naxda iyo qolo u soo gurmata toona. Waa rajay, waana agoon, tolna
ma laha. Xataa, dagaal-oogeyaasha soomaalida ee dalka kala googgoostay midna
kama uu helin, welina jabhad u dooddaa uma dhalan!
Waa af hodon ah oo, sokeeyaha ka hor, labadii qarni ee u dambeeyey ay, si walba,
shisheeyuhu u qirayeen hodontooyadiisa xagga erayada, maansada iyo, guud ahaan,
suugaantiisa aan qornayn ee, wadar ahaan, uu dadweynuhu u curiyo. Waa af fil
weyn oo dhismaha weedhiisa, murtidiisa iyo maahmaahdiisaba laga garan karo
qarniyo faro badan in lagu soo hadlaayey, sidaasna uu ku yeeshay astaamo u gaar
ah oo xeerar ad’adag cuskan. Sida qaar kale oo Afrikada Bari lagaga hadlo, waa
af aan ka abuurmin badaha shishadooda afaf ka soo doolay iyo afguri gobolka ka
jirey oo isdheehay, dabadeedna isku milmay! Waa af xiriir dhowi ka dhexeeyo afaf
kale sida Cafarta iyo Oroomada, hase ahaatee ka madax bannaan, ayna caddahay
inuu iskiis u koray. Soddon sano oo qura waa af qornaa, sidaas oo ay tahayna
awood u yeeshay kasmooyinka iyo fikradaha casriga ah inuu u helo eraybixin uu
ummadda ku hadasha ugu gudbiyo. Afguriyo (dialects) kala kaan ah waa af aan
lahayn oo inta ku hadashaayi ay si fudud wax isugu gudbin karto, isuguna garan
karto. Iyada oo aanay ammaan iga ahayn, waa dad la’ yahay mooyee, waa af ku
tirsami kara afafka nool ee daafaha dunida laga yaqaan.
* * *
Indhoweydba, shisheeyaha nacabka ahi, isaga oo dagaal-oogeyaasha adeegsanaya
waxa uu ku hawllanaa inuu soomaalida kala geeyo oo qaarba uu qaarka kale col u
tuso. Nacabkaasi wuxuu ku dedaaley, welina uu u tafo xaydan yahay inuu kala
irdheeyo, hubka isugu dhiibo, niyaddedana uu kala fogeeyo ilaa uu tol waliba isu
arko keligiis inuu isku fillaan karo, soomaalida kalena uu ka maarmi karo. Isaga
oo maangaabka kaashanaya waxa uu nacabku ka shaqaynayaa si aanay mar dambe qaran
xoog leh u noqon. Waxa uu tol walba ka dhaadhicinayaa in aanu midka kale ku dan
ahayn, sida dawladahana ay u bannaan tahay inuu ‘xiriir dibadeed’ yeesho.
Siyaasadda dhabta ah ee nacabka taariikhiga ahi waa middaas, mana aha wax cusub
oo la fil ah dhawr-iyo-tobankii sano ee ay soomaalidu maamul la’aanta ahayd.
Laga soo bilaabo qarnigii 19d, kala-qoqobidda soomaalida ayay ahayd siyaasadda
rasmiga ah ee nacabkeedu, hase ahaatee inna wax guul ah lagama soo hoyn. Dhulka
ha la kala jaree, niyaddeeda waa la kala geyn waayey, maxaa yeelay waxaa jira
xiriir ka dhexeeya oo aan si fudud ku go’i karin. In kastoo, juqraafi ahaan, la
kala seeray, haddana 1960kii soomaalidii xornimada qaadatay iyo inteedii
gumeysiga ku hadhay, cidina kuma guuleysan inay kala fogeyso, isuna tusto inay
tahay ‘qoomiyado’ kala isir ah. Taasna, siday aniga ila tahay, waxaa loo aanayn
karaa afsoomaaliga oo inta uu nabad-qabo ay soomaalida wax weyni isugu xiran
yihiin, guusha uu nacabkeedu ka soo hooyaana ay ku-meel-gaar tahay. Afka ay
wadaagto iyo hiddaha faca weyn ee uu xanbaarsan yahay ayaa soomaalida isku
tolaya oo weligeed isku hayn doona. Sida aan isleeyahay, isaga ayaa ka bedbaadin
doona hoogga iyo ba’ lala maaggan yahay oo ah, sida ummadda kurdiga, in
dawladaha deriska ah ay iniba mid ku dhex-milanto!
Milgada sidaas u weyn afka lihi wuxuu mudan yahay in sida loo dhaamo oo, intii
la kari karo, macne ahaan iyo naxwe ahaanba gefka laga ilaaliyo. Haddii aan
sidaas la yeelin, waxaa kala go’i doona faca dambe oo afsoomaali sirgaxan ku
ababi doona iyo murtida hodonka ah ee aynu facii hore ka dhaxalnay.
* * *
Sida la og yahay, soomaaalidu waa ummad aad idaacadaha u dhegeysata oo jecel
waxa dunida ka socda inay afkooda ku maqlaan. Dhallinyaro iyo waayeelba,
weriyaha ayay u fiirsadaan; iyaga oo dhuuxaaya habka uu wax ugu soo tebinaayo
iyo erayada uu ugu tebinaayoba. Sida ay ugu taxan yihiin ayay kala bartaan.
Maalinta ‘hebl’ wax sheegaayo ayay si wacan ugu dheg-taagaan, ‘hebel’ kale
maalinta uu sheegaayona codka raadiyaha ayay iska gaabiyaan! Waa la iska dhigaa
oo dhallinyaradu waxay isku daydaa ‘weriye hebel’ sida uu u hadlo inay u hadlaan,
erayada uu badanaa adeegsadana ay weerahooda ku soo daraan. Sidoo kale,
weriyeyaasha barbaradka ah qudhoodu waxay ku dedaalaan inay isu ekaysiiyaan
kuwii caanka noqday ee ka horreeyey midkood; taasoo ay ka filayaan aqoonsiga
dhegeysteyaasha inay si degdeg ah ugu taabaan.
Taas darteed, waxaynu weriyaha ku tilmaami karaynaa, toos iyo gurracba, bare ay
dhegeysteyaashu afka ka bartaan oo, dhinaca waxabarashada guud, saamayn xoog leh
bulshada ku leh. Malaha, waa sababta inoo fasiraysa weynida xilka daryeelka
afsoomaaliga ee weriyeyaasha maanta dusha ka saaran; xilkaas oo ay ka soo
dhalaaleen warfidiyennadii idaacadaha afsoomaaliga ku hadla wax uga soo tebin
jirey sannadihii konotonnadii iyo lixdannadii qarnigii hore iyo, guud ahaanba,
wixii qorista afka ka horreeyey. Afka oo aan qornayn iyo ka dibba, waa raggii ku
guuleystey, war iyo warbixinba, dhegeysteyaashooda inay ugu gudbiyaan afsoomaali
barax la’. Waa ragga lagu xusuusan doono aqoontii qabku weheliyey ee ay u
lahaayeen dhaqankooda iyo afkooda. Waxaa lagu maamuusi doonaa sidii ay
afsoomaaliga u kobciyeen ee ay uga dhigeen af qaadi karaya fikradaha casriga ah
iyo eraybixinta afafka qalaad ee kasmooyinka bulshada iyo teknoloojiyada. Waxay
ahaayeen raggii afka ku soo daray erayo faro badan oo awel hore aan ku jiri
jirin, haatanse ka mid noqday sida:
1. dayax-gacmeed satellite)
2. Qarammada Midoobey (United Nations)
3. hantiwadaag (socialism)
4. horumar (progress)
5. hubka halista ah (nuclear weapons)
6. Hubka iswada (automatic weapons)
7. hirarka gaaggaaban (short waves )
8. hirarka dheerdheer (long waves)
9. hirka dhexe (medium wave)
10. biyo-dhaca Victoria(Victoria falls)
11. barwaaqo-sooran (commonwealth).
12. geeddi-socodka nabadda (peace process)
13. buuraleyda Goolan (Golan heights)
14. Maan-dooriyeyaal (drugs)
15. gacan-ka-hadal (violence
Hadda iyo dan: weriyeyaasha da’dii hore waxaa na xusuusiyey weriyeyaasha
dhowaanta warbaahinta ku soo biiray oo qaar ka mid ah uu afsoomaaligu eeday!
Dagaal-oogeyaashu sidii ay siyaasadda dalka u galeen ayay iyaguna afkii ugu
amar-ku-taagleeyeen. Waxay si ba’an uga dileen dhadhankii macaanaa ee lagu
yiqiin. Laakiinse, maantadan la joogo taasi layaab ma laha. Xilliga aynu ku
jirro ayaa wax walba suuraggelinaaya, dadkana waxaa ugu doqonsan kolba kii yaaba!
Sow dagaal-ooge waliba ma sheegan inuu siyaasi yahay, isaga oo, boob iyo kufsi
mooyee, aan haba yaraatee, siyaasadba wax uga bilawnayn, cadna ku lahayn?! Sow
dawladnimo la iskama nicin oo gumeysi madow iyo tol-tol lagama dooran? Wax
waliba haddii ay jaantaa-rogan noqdeen, maxaa diidaya qofkii doonaaba inuu
warfidiyeen sheegto oo, weliba, in loogu yeerona uu ummadda ku qasbo?!
Waa ‘waxba’ jawaabtu, ha yeeshee sidaas uga hari mayno, maxaa yeelay dadka aanu
la weyneyn wax loo daayo afku nagala qaalisan! Haddii aanu lahayn dawlad iyo
hay’ado u xil-qaba, dadweynaha ku hadla oo aannu ka mid nahay ayay tahay inay ka
ilaaliyaan gefafka, indhahayaga oo shan ah, maalin walba la soo dhex-gelinaayo.
Ku andacoon maayo in aan afsoomaaliga dadka ugu badiyo, waxaanse ka mid ahay
inta wax ku qorta ee dhadhansiga murtidiisa iyo maansadiisa ay naftu ku soo
gasho. Waxaan aamminsanahay haddii xeerarkiisa laga tallaabsado, dabadeedna si
aanu u dhisnayn loo hirgeliyo in qaladkiisu badan doono, hadhowna
cilmi-baareyaasha afafku ay ku wareeri doonaan oo ku marin-habaabi doonaan.
Taag iyo aqooni meel ay dhigtoba, xilka daryeelka afsomaaliga intiisa ugu weyni,
maalin kaleba yeelkeede, waxa uu maanta dusha ka saaran yahay bahda warfaafinta,
gaar ahaan idaacadaha iyo warfidiyeennada ka shaqeeya ee wararka iyo
warbixinnadaba ka dawiya. Taas aniga oo maanka ku haya, aan, haddaba, tusaale
kooban ka bixiyo waxyaabaha aan ku baraarujinaayo ee warfidiyeenka xilligan aan
farta ugu fiiqaayo, si uu gefka uga ilaaliyo tiirarka dhaqankeennu ku qotomo
midka ugu qaalisan oo afsoomaaliga ah. Waxyaabahaas aan gocanaayo waxaan u kala
dhigdhigi doonaa saddex qaybod oo kala ah:
1)erayo si qaldan loogu adeegto ama loo hirgelinaayo;
2)erayo shisheeye oo aan baahi loo qabin;
3)gefaf naxwaha afka la xiriira; gaar ahaan wadaraynta magacyada; iyo
4)gebaggabo.
A. Erayo si qaldan loogu adeegto ama loo hirgelinaayo
Waa erayo dhawr-iyo-tobankii sano ee aannu soo dhaafnay ay si qalad ah
warfidiyeennadu u hirgelinayeen, macne aanay lahaynna ay u xanbaarinayeen.
Waxaan halkan ku soo bandhigayaa erayadaas qaar ka mid ah, aniga oo sheegi doona
macnaha ay afsoomaaliga ku leeyihiin iyo sida qaldan ee waayadan ay warbaahinta
soomaalidu u adeegsato:
1. Beel: Eraygani wuxuu tilmaamaa qoysas toban ilaa dhawr iyo toban gaari
kara oo, badanaa, laba ama saddex oday kala tirsada ama, haddii si kale loo
yiraahdo, abtirsiino aad u dhow wadaaga. Aalaaba, seben hagaagay oo barwaaqo ah
ayay beeshu abuurantaa, marmarna dano ka dhexeeya ayay u dersaan sida
‘dugsi-quraan’ ay wada oogtaan xilli macallin wanaagsan la helay. Erayada kale
ee ‘beel’ la macnaha ahi waa ‘duddo’ iyo ‘qayro’; in kastoo soomaalida
reer-magaalka ahi aanay midkoodna isticmaalkiisa ku soo dhowaan.
Dhawr-iyo-tobankii sano ee aynu soo dhaafnay, wuxuu eraygaasi ka mid ahaa kuwa,
haddii tiro-koob la sameeyo, ugu badnaan lahaa xagga ku-adeegashada. Waa eray
maalin walba ku soo noqnoqda afka dagaal-oogeyaasha iyo, guud ahaan, idaacadaha
ay soomaalidu dhegeysato. Mar walba dadka eraygaas wararka ku soo qaataa waxay
seejiyaan, asal ahaan, macnihii uu u lahaa, waxayna ugu adeegtaan fikrad ka
ballaaran oo aanu buuxin karin. ‘Qabiil hebel’ ama ‘tol hebel’ halkii ay ka oran
lahaayeen, waxay oran, ‘beel hebla.’ Qabiil idil oo dadka sheegtaa ay labaatan
oday iyo ka badan isugu yimaadaani, sidee buu, waa yaabe, beel ku noqday?
Daarood, Hawiye, Raxanweyn, Isaaq, Ciise iyo qaarka kale ee la midka ah, sidee
baynu ‘beelo’ ugu sheegi karaynaa? Maxaa inoo diidaaya waxa ay dhabtii yihiin oo
‘qabiil’ ama ‘tol’ ah in aan ku sheegno?!
2. Afhayeen: Soomaalidii qarnigii 19d waxay eraygan ugu yeeri jirtey
ninka afafka shisheeyaha wax ka yaqaan ee iyaga iyo ‘gaalada’ amaba carabta
isaga af-celin jirey. Wuxuu la mid yahay erayga carabiga ah ee isagana ay
soomaalidu adeegsato; waa erayga ‘turjubaan.’
Inuu sidaas ahaana waxaa loo daliishan karaa bilawgii qarnigii hore geeraar
‘axdi’ loo yaqaan oo uu tiriyey gabayaagii weynaa ee la oran jirey Faarax Nuur;
mar isaga qoladiisa iyo qolo kale ay isgaashaan-buursanayeen. Qodobbadii uu
Faarax dhinaca kale ka codsday waxaa ka mid ahaa inay ka kaalmeeyaan xafiisyada
maamuleyaasha Ingiriiska oo ay iyagu afkooda kaga dheereeyeen. Iyada oo ay
muuqato turjubaannada gumeysiga qaar ka mid ah inuu tuhunsanaa, kana baqaaya
qoladiisa inay ‘gaalada’ ku diraan ayuu Faarax qodobkaas ku daray geeraarkii uu
maalintaas tiriyey. Wuxuu yiri:
Ninka gaalka ag-joogee
Afhayeen la yiraahdo
Ninkaan wiil ka ilaashiyo
Ilmaadeer ku lahayn
Waa la iibsanayaaye
Haddaydaan naga eegin
Idinkaa axdigii iyo
Aamminikiiba furaaya
W.Q.Axmed faarax cali { Idaajaa }