|
Gabaygii:Adduunyada
...........................................................................................
Adduunyada ninkaan dhimanin, ee dhaaxa lagu daayo Waagii
soo dhalaalaba wax buu, dhab u bilkaydaaye Dhacdo ugub ah waakii arkiyo, dhabano
hayskeed e Aadamiga dhulkaan loo goglee, dhooban guradiisa Dahab dhiifsan
kii loo dhigee, dharafta loo buuxsho Dhaadanaanta kuma joogo iyo, dharagguu
haystaaye Dhitadaa u been sheegta iyo, dhiilka xoorta lehe Isma dhaho
dhigaa baa ku celin, kaana dhoor lullane Dhasalaalaq buu ula tagaa, wiil ka
dhumuc weyn e Dhangad bullad leh baa lala dhacaa, dhamas xanuun weyne
Dharaarahana taan aragnay, waa dhigantideediiye Dhankoodaba anoon eegin
oon, dhuganin jaahooda Dhanbaal cay ah dhoodho af xumo, dhur iyo waaqay ah
Lagu dhahay dhaleecaa ku taal, dhaadashana raacdo Kuwa maanta soo dhiibay
ee, ugala soo dhiirtay Waa dhalaankii hooyadii dhashiyo, aabo dheel baraye
Dhurdihii shinnidda dhaaf is yidhi, malab dhitayntiisa Oo dhigaalka
kaydkii uu dhuray, dhuub ka badan waayey Wax ka dhigan dhankii loo dayaba,
dhimir xumaantooda Kuwa gabayga soo dhiibay ee, dhumucda xoogayga Dhudhumada
lammaan igu xantiyo, cududa lay dhaliyey Qof dhamays ihi xubin dhuuban ma
leh, dhicisna maa ihiye Kolse haddii dhabihii maansadee, dhacanta aan saaray
Laga rogay dhadhaabtaan ku xidhay, furantay dheeshiiye Ninka hadalka soo
dhoofiyoow, gabaygaad soo dhiibtay Dhita subag ah, dhayliyo karuur, dhuuni
ugu fiican Ama xabag dhunkaal iyo marriid, dhooban oo halis ah Labadaa
midkuu ku dhalaad, dhabaqsan doontaaye Dhaxalkii jawaabtaada hoo, dhaqayadood
maasho War dheegga Aadan waxa loo dhanbalay, oo dhadigga loo uumay Ha
dhaleen dad weeyiyo inaa, lagu dhuroobaaye Dhaabaddaa haddaan loo askumin,
dumar dhamaantiiba Dhalfo dararsan oo lala dhacoo, dhumuc leh mooyaane Dhuuni
kale af aan looba qorrin, laguma dhaabeen e Dhuuntiisa shay kale ma marro,
uu dhadhamiyaaye Haddii aan u dhiibnana ileen, waa wax loo dhigaye Waxse
dhaygag aadmiga ku riday, taad ku dhaqantaane Haddaad idinku dhabarka u goddaan,
dhigasho xaalkeeda Dhawaaquna masayr kaa yahood, dhalfada weyn dooni Dhankaa
kama naqaanee ugee, kii kubaray dheesha Dhiidhiibso isagaa ku odhan, kuguna
dhaantayn e Dhadig iyo labood baa tihiin, wax u dhexeeyaaye Dhalfadii
daboolnayd markuu, kuu dhilqiyo gaalku Adoo dheehu kaa duulay baad, dhiirin
socotaaye Hayeeshee wax dhacay baa jirrooy, dhibi ka joogtaaye Umad dhacantay
baa muuqata oon, dhurra u laabnayne Haddaad idinku wada dhuuqsateen naago
dhex- xidhkoodii Dhabahoodii idinkaa maroo, dhaclihii qaba e Dhadiggiinu
dhinacay u kici, waabad dhaxasheene? Afartaa dhakada moowga riday, dhabayac
low kuusan? Dhamac kulul qalbiga ma uga rogay, dhuxulo naaroobay? Dharbaaxooyinkaygaan
aqiin, dhaaw! makaga siiyey? Hadda micida kuma dhuujin oo, waan ka dhimayaaye
Dhawaaq kale markay soo ceshaan, taan ku dhigi doono Dhabanada haddii
ayna qaban, dhagaxyadaan saarro Allay lehe dhiggood baan ahay, iyo Dhabayac
low kuusan |