Nin weyn oo wisiisiyey wixii nolol ku soo maray
Weedhuu ka sheegaa aarmay idin wareentaa
Markii duul washaysiyi waleecaad ha raacee
waddenkeenna gubayeen koonfur iyo waqooyiba
Dawlidnimo la waayaye ciidan waabiyaa jirin
Jabhaduhu wax reebayn wiilal faydan taliyeen
Qaar wadaadda sheegtana ku waafaqay halaaggii
Wershedihii la dumiyaye wasiiradii la gawracay
Nin waliba walaalkii iyo kii xigay wadnaha jaray
Dadkoo meel ku wada nool qaar waa kan la lahaa
Hantiday wareejeen iyo maydkii wadhnaa daa
Wahsi li’i markay orod naftu wehel ka dhigataye
Waaqlihiyo rasaastii dheguhu wiifta na hayeen
Wedka ka cararkiisii webiyada ku jiidhnaye
Wadiiqada habaarwaalid ku weydoowney toban godol
Waxaan sii waraaqnaba xadka Kiiniya walam nidhi
Maalintaan walaalnimo Carabtii ka weynaye
Islaamnimo wadaaggii weyrax noogu imanine
Wiswis diinta qaar galay wacdi lagu daweeyaye
Qaarna ay ku waasheen weerarkiyo xasuuqii
Wakiiladii Maraykanee waabahaanu jiifniyo
Welwelkii qaxootiga naga soo walwaalaye
Waraaqaha na siiyaye dalka nala wadaag yidhi
Kii weligii joogiyo kii waagaa soo galay
Xuquuq inay wadaagaan warkeedii na siiyoo
Warasadiyo dumarkii wahabkii ka qaadoo
Waqtigay yimaadeen intii ay wakilayeen
Waayuhu u kala bixin wig iyo welfeer hele
Dhalintana wax barashiyo, shaqo waasac uga dhigay
Waayeelka daalana, waalidkood sidaan nahay
Lacag aan la waayeyn, oo la waabin noo qoray
Waxtarkiyo xanaanada, naga weecanaynine
Waagii guduutaba, caafimaadka noo wada
Adduunyada wixii dhaca Waaxid kaa qadarayoo
Maalin waad wacnaataa midna waad wareertaa
Dadna waa wabiin jaan midna waa wadeygaa
Waxaad kala ogaataa markii wegerad kuu go’o
Runta lagama waabtoo been looma weecdee
Wedenkeer Maraykaan waa hoy walaalnimo
Haddaan walax abaal guda waafi looga dhigi Karin
Wargaysyada in lagu qoro waajib bay inagu tahay
Kuwa weger yidhaahdee wanaaggaa illaawee
Dalal kale warkood iyo wiglo noo cayaaree
Walaahowga beenta ah dadka ku la wareegaa
Keenana ku wiiqaa na walaaqi maayaan
Kuwa walafku qaadaye wada hadalka diidane
Diintii wacnayd iyo waanadeed maqlaynine
Weliyaal Ilaah iyo warjeefyada carruuraha
Dadka wadar u laynta noo wakiilan maayaan
Weedhii abwaanadu horay noogu weriyeen
Waatii ahayd hadal badan weel ma buuxshee
Duul kastoo wax dilisiyo fidmo iyo wareer wada
Waa weled ibliisoo na walaashan maayaan
Maxamed Hirad
San Diego California
E-mail:xagar2000@sbcglobal.net