|
| Doqonkii ogaadeen ahaa doolo
laga qaadye. | | Alaahu
akbar eedaanku waa kaa afkiyo beene Ashahaaday gaalkuba waase ehelu naarkiiye
Uubo weysa waan kugu arkaa Agab salaadeede. | Weyshaan
u xiray reer Subeer wiil kafura waaye markay waa Tiraahdaba baqay wagac ka siiyeene.Wadkii
dililahaa iyo imoode waramadiisiiye. Alla may wadnaha joojiyaan waaxid baajira
ee. | Cad
hadduu carada kaaga dhaco amase cidoobo. Caqli nimuu ku weyn yahay ma cuno
calafka qaarkiise. Anigana caruuraha yaryari wa iga caynkaase. Maxaan Aadan
carab kala hadlaa caaqil baan ahaye | | Waa
lagu digtaa ruux hadduu kuu darraan jiraye Bal dayaay wadaadkii wakaas sii dabayshadaye |
| Nimankaan Haraadkiyo
aqoon, hawdka mariddiisa, Kolay haber jeclo muuse tahay, waw handamayaane,Nin
waliba haruub u toshiyo,haamo gooniya,Haweenkuna hadday doonayaan,inay hidiidaane.
| | Iidoor
wagaash lahaa wabiga jeexsiiye | | Nacasku
waa i wiiqaye iidoor waanigii wadaye,waatii waddada aan ku riday, wagacda jiilaale,waa
tii wadnaha aan u galay, sida wadaadkiiye, Oo waalidxoortaan ogaa wiish la caridaye |
| Waxaan oo habeeyaba
reer tolkay oodda soo jebiye waa ku waas ardaayada dhigay idhanka toomoodde. |
Bada gabay Ismaaciil miraa
Buuni ku ahaaye. Beyd uu akhriyey ma odhan,ya badala kaase.
. | | Hal
igalay sida ugaxa goray ha igu gaadhnaado. | | Midhihii
xujaalagu arkoo lagu xariimooye xuduntay fadhiisteen ninkii xaashay laba goore
xeerada kacalo aniga wayga xaaraan e. | | Ogadeenka
noosoo gabyoow waa gar xaajaduye. | | Mooyaa
ka ciyey baad maqashay reerahaad maca wadaagteene. Waxaad maqashay Madhle iyo
Gobley bay midho ku yaaliine Ogadeena midhihii ku guray mohoradiisiiye in aad
Himirta muudmuud sataad mihindiseysaaye. | | Koley
aniga oo aan hawraarsan iyo haa ku odhanaynin, maxaad gacanta ii haysataa waa
habeyn dumaye. | | Saddexdiiba
naag loogu maray oo lagu madoobeeyey, In muraayaddeedii jabtaan marag u haystaaye,
Martabtay heshaa waa carmali magac ku yeedhaaye, Iga maarso yaan ina Calaay kuugu
malaqsiine. | |
Naagahaan dhankii loo rogiyo dhinacna diidayne. Dheddigaanshahaa lagu arkiyo,
dhiigga caadada e. Haddayan dhiilka caanaha lahayn, laguma dhaarteene. wax ka
dhigan gobtii dhawrsataan, ceeb ka dhiidhiyine. Nin dhirbaaxo quudheed dugsaday
dhaqayadeed maalye. Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abide. |
| Cayuun shaash leh oo wiilkii
lahaa shaaha karinaayo Waayeelna xeeb uga shir tegey male Shirshooruuye Isagaan
shaarublow Reer Isaaq shucub aan reebeene Shamal ay tuntaan iyo haween shuqulkii
mooyaane, Sharba idin ma daareen haddaad shalay na dhaaftaane Daraan idin shiddeeyeenba
waa naga shisheeyeene. | | War
bal Baaruuda foorari inaan kugu bogi waayo. | | Nin
la maagay aasaan midho yaraan lagu malaynaynin oo maansada ilaahay baroo macalinkeeda
in ma dhoodho loo soo tirshaa wa macno la'aan | | Hadii
dherer wax taro naagahaa dhicin lahaa geele.Ayaba aabahood oo dhintey dhaxal ka
waayaane | |
| Hakaraamo seegina Habaar leygu
kari waaye. | | Ma
mucaarad baan ahay hadaan xaqa ku maansoodo. | | Bal
Muxuu micneeyoo itaray ministerkaan doortey. | Waan
idin masaafurin ilaa toban kun oo meyle Makhsin baan idiin furi hadhuudh lagu
masruuftaaye. | | Dabkii
lagu gubto faruhu kuma diraabaane. | | Hitler
baa u weynaa wiil arlada galiya hawl weyne isagaba meel haad ku cunay hubati loo
waaye. | | Sabool dhargaa nabada waa iskaga safaadaaye. |
| Ceydiga malaynee nin raga ceymo
ma udiidney. | | Waa
digo hoostu nooshahay korkana degel lamoodaayo. | | Waa
maxay raga u Muhanayaa Meheradaan haystey. | | Amba
kama mahoobiyin tolkay maansadaa badane, masarna iyo kharduuna uma tegin mana
masaafoonee, kamana mudannin sheekh ii marsha oo macarifo i dheere, Waan mihindisaye
ii ma dhigin macallin yeedhsheeye, Waa shay maqaadiir ku yimid aan yar maamulaye,Sow
duul masayr ugu dhinteen madadka lay siiyey. | | Mahdabtaa
Shanaad baan dajoo nala murmaysaanee. | | Carabkii
qoyani waa hadlaa, hey canjalafaynee in cadaalad sheekadu gashaan kaa codsanayaa. |
| Hadii geed la jaro oo gudumo
looqaato oo barka sare la googooyaa waa wax gar weyne ma guntay ugu ursadeen kan
dhacay waa gobkii Maxan ee. | | Kadadii
la ii qoray horteed in aan dhintaa kaafka kuma taale. Ha karaama seegina habaar
lagu kari waaye. | Murti
baan ka reeba Hadha iyo Anigu maahmaah'e Miisaan hadaan hadal lahayn aa macno
la'aane. |
| |
| Geesigii
tilmaanaa marbaa fulay u tookhaaye. Nin tabiino kuu guri jiraa kuu talaal noqone.
Niman adiga kugu toosin baa kuu takhaashumiye. |
Asteexiyo
wanaag iyo ninkii ilindi kuu keeni. Ummuurtii aad leedahay ninkii kuu ebyoonahay
Aduunka iyo Aakhiro ninkii aslaaxaahaya. Ninkii maalintaad iilan tahay aano
kugu jiidin.Itaal xumana aan kaaga tegin, sow ikhwaan ma aha. |
| Eebow
nin goba baan ahoo guni rifaysaaye | |
Maandhow
ixsaan lagama tago eed hadaad faliye. | | Ma
cirkaa lagayn oo dhulka laga gawdiidsan geydhooy maraakiib miyaa gurada loo saari. |
Adaa Koofilow
jiitayaan, dunida joogayne Adigaa jidkii lagugu wici jimicla'aaneede Jahannama
la geeyow haddaad aakhiro u jihato | Nimankii
jannow kacay war bay jirin inshaalleye Jameecooyinkii iyo haddaad, howhartii
aragto Sida Eebbahay kuu jirrabay mari jawaabteeda. | Mar
haddaan wadaad aayad diin, ila ekeynaynin. Amaan aniga lay oran karayn, tanu
ahaan mayso. Allow yaa af lama daaliyee, iga asluubeysta | | Wax
walba wow hurayaa ninkii ii walaal noqone. | Ninka
yiri wax baan gani anoo,gol iyo cayn jooga. Ee yiri badii garacad baan, gudub
u weydaarin. Godka lagu cadaabyow muxuu, go'uhu been sheegay. |
| Danbiguu falaayaa Uweys loogu
dowgalayeCandho dogoble goortaan dillaa roobku noo da’aye |
| Sargaalka iyo
Hindiga waa dilaan uma sujuudaane Surkana waa ka gooyaan dadkii saaxirka ahaaye
Soomaalidii uma turaan saaruqa ahayde | | Cudud
ma leh col kula weerar gala ciidan iyo xooge. Inkastey cid kuu soo diraan waa
cidloo kale. Caloosha iyo madaxay sidii dumar cantuugaane.Maandhoow cayaayirka
iga daa Carabi waa naage |
| |
| Qab qab dhaafay baa laba qabiil, qaran
ku weydaaye Haabiilba Qaabiil markuu, qoonsaduu dilayee. |
| Rag kaa faqay rafiiq nimad tihiin talo lagaa reebay
Meel aan lagaa rabin indhaha lalama sii raaco Layskuma ridaan rido haddaan ruuxu
ku eryaynin. | | Aakhiro raggii tagey
haddan Eebbe ka aqoodo Inna arri jireed iyo nimaan habarti awr goynin Sow waxaan
illawaba nin xumi ima ogaysiiyo. | | Aboodigu
ma lalo garab hadduu iin ku leeyahaye. Orod uma holodo ooglihii adhaxda beelaaye. |
| Bus xagaa ah jiilaal baryaday
qaranka oo biifay. Barqin doog leh nayluhu gugay banana rooraane. Lag baruur leh
bowdiyo shanshiyo badhi hadduu waayo. Baraar habartii loog kama furtoo gowrac
kama baajo | | Baajiri
jarkeed waa bukurin laba bikuuroode. Binjaday lahayd saan hadday ugu bilkaynayso.
Buluskii biyaha ceel ma sido mana baqool daayo | | Geeluba
ugaasoow hadduu ayda miranaayo. Abeerkiisa naaxiyo hadduu aaranku is waayo. Isaguba
ma kala aamusee waysu ololaaye. Haddaan ina adeereey ku idhi sowma urugootid. |
| |
Nin anbaday halkuu aaday
waa ula e koonaaye. Anigoo arkaayaan wadada Erogoo maraye. Abtirsiimadii
baa ihoday Adan Carabowe. | Ayaan
iyo labo wax kabadan eregtu waax ceebe nin amaano necebbaan ahay oo iguma
aameene. | | Amarkii Ilaah
iyo wakhtigu waa wax kaa adage. |
| |
| Luqmo dheerahaan helay hadday laqanyo kaa hayso Anigguba
markaan kaa lal maday iima lood samine Lubigii walaalnimo ninkii laalay baad tahaye.
Gablan lexo jecloy waa wiixii lumiyey Ayjeexe |
| |
Idin bacasa awrkay dhashiyo, aarankay wadatay.
Asxaabihii horaba, way ku intifaaceene. aakhiro ninkaan geel lahayn, lama
ammaanayne. Maxaan idinla awlaadsadaa awgayoow,awr ma dhaansado e |
| |
| Haddaan gabaygu uurkoo bukiyo,
arami kaa keenin Amaan olol xanuun iyo jacayl,kugu ikbaarayni.Afkuu baad ka leedahee
tixuhu, arar ma yeeshaane. | |
| |
| Ragoow
kibirka waa lagu kufaa kaa hala ogaado. | | Hadii
reerka neef laga Ajalo Waa Abaar kulule Adimda Hadii ley karshoon Awlalada laasto
In aan Adarka kula Fuuqsada waa Asluubxumo'e maxaad Fuudka ii soo Ag dhigi ma
ihi iidoore. | | Hadaan
Anigu Odayoobey oo Anafadii daayey oo Ashaahado mooyee eebo ridi waayey Alaa igu
og in aan aabahaa cidu u aarayne . | | Kugu
xiiqay sidaan kuulahaa xaaxayahay toose, xaguun labada daarood ku daran hays xakabin
meele. | | Inta
kaamil kooriyo kudkiyo kiisku daba joogo Walee Geel nin koolkooliyow kabaradaa
dhaanta. | | Inkastuu
dhabcaal go'an yahuu kuu dhadhamo diido Isagoo dharaar maqan koluu dumar wax kuu
dhiibo. Dhan aad uga dhacdaba maal tolkaa waad dhadhamisaaye Waa dhaawac kugu
yaal bahdaa dhaqasho weydaaye. | | Geenyada
la fuulaan xaday iyo gabadha iimowday. | |
Haddaad
moodey in keligaa uu gubaayo jiillaalku Sangihii garbaha waynaa geed ka kici waaye
wakaa gooni daaqii habsadey gubaddii hawde. |
| Aniga
oo arkaayaa faraha laygu iibsadeye. | | Ha
fur furin dermada la iga waa ina fadhiistaaye. | | In
kastuu kallaho ama kabtiyo ama kur dheer fuulo bad kalluun ku jira koley kutahay
amase koob shaaha kulligood adoomaha rabbow qeybshay kimistiiye Nin waliba waxii
loo katibay waa la kulansiine Nina inaanu soo kororsanayn kaa hala ogaado |
| |
| Waxba
habar jeclada aan makalay, haw makaabbirine,Shan qolaa mataanaha ka jaban, maxamedkiiniiye.
Madmadoobayaal oo dhan baan, loo muraad qumine, Waa muusanow iyo baroor, maansadaad
tidhiye,Maadhiinka nimankaan la dhacay, miidha Habar Yoonis, Magta geedquwaax
lagu xukumay, waa rag kaa maqane, Ma mardaaddi bay kaa jiraan, muuqan mahayane?
Mise waa kuwii lagu mudmuday,maqasha daaqeeda? | | Anna
waxaan la xoodnaa shalay, iga xayuubsheene, hadba waxaan la xarakaadayaa,waa xogtaan
helaye, waa kaa jirkaygii xugnaa,soo xankaakubaye,xoonkii shinnida quudayoo,xoon
bax oranaayey,aan xababarshiyo awlallada,cidi la xaalaynin,xawliga durduradaan
ka biqi,xeeb inaan tago e,xaaladooda niman baa qarshooy,xani ka raacdaaye,xuurtiyo
waraabaha miyaa, xalay ducaynaayey | | Nin
darxumi waa reerkooda doc uma dhaafaane. dadka kugu diryaa iyo af xumo kugula
dulmeeryaaba sidii laba dumar ah oo lawada qabuu kuula diriraaye. |
| Magligaad
afaysaa ku goyn muruqa Yawloowe. | | Xasan
iyo Xuseen sidood annoo la ii xanbaarayo iyo hadoo gadhkii iyo xaadii ayga ka
cadaday. Xabad iyo dilbay noo ahayd reer Xirsi Cimaanne. |
| Waa
nimankaas Higlada quuta iyo heeligaa bariye halalacdii miyeydaan arkeyn hunuga
dhiigiisa. |
| |
Lama siisan karo xoolo
kale, sidigta dhaameele waxba yaan surweel midab leh iyo, saacad lay xirane
Sicirka dunida geeleennu waa, ugu sarreeyaaye, Soomaaligii diidanow waad
silloon tahaye |
| |
Waxba yaanu xeerkay i marin xoolona
i siine Xaashee nin libin kaa xistiyey xumihi waa yaabe | | Dumarkuba
xublada foosha way xanaf wareeraane Balse inay xusuus daran yihiin xaylka kale
mooge | | Wax libaaxu dhacadiidiyaa
gool u dhays bidaye Goortuu dhergaabuu dugaag ugu dhawaaqaaye Ragbaa libinta maantuu
dharqado dhaata abidkiise Isagoo dhantacay faarax nuur dhuda ma luuqeeyey |
| Haddaad ficil hinaasiday asaad hilin kari
weydey Ma afkaad ku hawl bixi cidlaad ka hanjabaysaaye | | Gabadh
waliba waa hooyadeed tay u gurataaye Goonbaartu waxay caasidaa midaanay gaadhayne
Ma gudboona gaarida sare iyo gibirta naaxdaaye | | Cankabuudka
caaradu xidhee lagu cayaaraayo iyo wiil cartiis qaba intuu amar la ceeryoomay
Cindallaahi waa siman yihiin waana laba cayne |
|
Haddey boogi kugu taal, ninkale tiisu kaa
dedane. Haddaad adigu tuur leedihiyo, tootir iyo qaallo. mid kaleeto inaad
toosisaa waa tu aan dhicine. |
| |
Dhibaatiyo adoo gaajo qaba, dhaxanta jiilaalka.
Dhoor caano laga soo lisoo, yara dhanaanaadey. Nin dhadhamiyey waa garanayaa,
dhul ay qaboojaane. Goortaad dhantaa baa jidhkaba, dhididku qooyaane |
| |
sayidkii cishqiga fuuliyo caliba soo gaadhye Carruurtay
sideen ciirshe meesha iyo Nebigiiye Cidla lagama beermeen dadkoo cudud waaxida
ahe Waxba qaarba cayn looga dhigay ha iscajabiyaane. |
| |
Allhayoow nin ii daran maxaan daafta
hore seexshay. Nin i daaqsanayaana maxaan daafidow kariyey.Jidhku nimaan doonayn
maxaan hadalka deeeqsiiye Ma degdego xaajada maxaan rag u dulqaad yeeshay. |
 |
| Sagalkii guduutaba miyaan sarar
hayaa buuran Soomaali rubuceed miyaan siin karaa hilib wan |
| |
| Aduun yadan sidii luqunta diin laabatiyo
hooya Goortii an laacaba haddii layga lalinaayo. Oo ayan lugi lug ii raacahayn
ma aniggaa laylyi. |
| |
| Cirku waa daruuraynayaa gooru di'i yaa og.
Waa la ii dardaar werinayaa darajaday yaa og. Anigiyo daraawiish midkii dhiig
ka di'i yaa og. | | Hadii aannan subuubaha
ku bixin siriqda layqoolay, maxaa aniga iyo seediyaday saancad kala haysta. |
| Hadalba waxaan isga dhaafay oo aan haabkiiba
ugooyay hooyaday kuway dhashay iyo Hiirad baa inacay e. |
| |
| Gidigeeda Soomaalidaa guudka ka islaan dheh.
Gun markaad u sii fiirisana gaalo taag daran dheh. | Nabi
Muxamed baa loo jeclaa jaah mar la arkaaye (csw) Isagana waxaa lagu jirabay
inuu jihaadaaye Idinkuna xornimo saa jirtaad jiif ka damacdeene |
| Waxaa murugo iyo qoomamiyo maanqashiyo ciil
leh. Maskax iyo garaad iyo wixii muruqba kaa liita. Markuu adiga sharaftaad mudnayd
kaa maroorsado e | | Naftu
inay maqnaato iyo inay mahad ku noolaato. Maaweelis weeyaan haddii mid u dhexeeyaaye |
| Wallee in ayna laakiin ahayn
laydha socotaaye. Libin baa dhow ruuxii jihaad laabta ku hayoowe |
| Soomaalina macnaa lagu yaqaan meel
ay joogtaba e. Oo waa hiddaha noo macaan malab siddiisiiye. Mar kastana ma moogaano
ee wuu naga dhex muuqdaaye | Waraabaha
ku ruugaaya iyo aar ku raamsanaya Sidday kuugu kala roon yihiin maad u kala
reebtid Ninkii rodolna miisaama ee kiilo raajiciya Ee raasamaalkuu helaa
rubuc ka hooseeyo Xisaabtaa inuu dib u rogrogo sow ra'yigu ma aha |
| Danbaaburiyo gaaraabidhaan fiid
is daba yaacay. Danbas iyo wax nool kay yihiin daa'imaan garane. Dab iyo qiiqna
waan kala aqaan saa duqbaan ahaye | | Qof
walaalkii gaday meel shishaa laga ganaaxaaye. Gacal uu xigaalkood hagraday gocosho
dayn waaye |
|
|
| Allaa faxane faroweey haddan kugu
filaan waayey. Nin fadeexad neceb baan ahoo waan ku furayaaye. |
| |
Lix halkaa ku joogtaan
dagaal laabta ka ogaada Luquntana haddii laydin jaro lugaha meermeersha |
| |
Ramadaan ninka soomay, Oo soddonkeeda
idleeye. Iyomaqaayad mid rudaaya. Oo hadba rooti karaaneIsma raaci karaane.
Alloow yaa kala reeba |
| |
| Ma mooyaan kuu tumay Habar Jeclow,
gun waa loo mashxaradaaye, ma libin aydaan lahayn baan idin mihiibsiiyey. |
| |
Ninba maalin baa loogu iman
maxashadiisiiye. Qoladay markaa haysataad kaga maqnaataane Xaasidnimada maarowday
waydiin macaan tahaye. |
| |
Dillaal saylad ku raagey,
xadhiguu la raftaa.Rubbiyadaan sarrifnayni, kiishadday rafataa.Awrkii heeryo ridaa,
haamuhuu ku raftaa Ruuxa biilka waayana,hilibkuu la raftaa |
| |
Nin Qalbi la' Quraan kii u dhigay,Qaaf dheh
ku harradye. Qayrkii ka hare waa ninkii qalay walaalkiise. Kutubada sidii
lagu qarriray,qiil la'Aakhiro. | Halbawlaha
suntii idin jartaad hinif ka siiseene bahashii khalqiga heemisaa loo hadoodilaye
heerkaa intay taagan tahayoo kala higoonayso anuunbaa u hinqanayee wanaag
uma hilawdaan. | Dul iyo hoosba
waan ugu dhigaye, waa dix-dhagaxeede Anuunbaa damqanayee dheguhu, uma daloolaane
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane Bal inay dalfoof tahay
caqliga, dooni laga saaray | | nin
qabyaalad heensaynayaa guul ma haybsado e | |